729 Views

Saraakiisha ammaanka Kenya oo sheegay in aad loo adkeeyay amaanka iyo in dagaalyahanada Al-Shabaab weerar geestaan..

Saraakiisha ammaanka  Kenya oo  sheegay in aad loo adkeeyay amaanka iyo in dagaalyahanada Al-Shabaab weerar geestaan..
____________________________________________________________________________

Jimco 1 Jannaayo 2021

Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in aad loo adkeeyay amaanka magaalooyinka waaweyn kadib markii ay heleen xog ku saabsan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay qorsheynayaan iney weeraro argagixiso ka sameeyaan gudaha Kenya inta lagu jiro maalmaha ciida masiixiga.

Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Kenya ayaa baahiyay in ciidamo fara badan oo booliis ah la geeyay qaar ka mid ah wadooyinka magaalooyinka, heegan ayaa la galiyay si ay amaanka u sugaan, waxeyna arintani imaaneysaa xilli maanta ay tahay maalintii ugu horreysay sanadka cusub.

Dhawaan ayey aheyd markii gudoomiyaha magaalada Mombasa (Nelson Achoki) uu sheegay in suuragal ay tahay in magaalo xeebeedka uu masuulka ka yahay ay wajahdo weeraro kaga yimaada dagaalyahanada Al-Shabaab eek u xoogan gudaha Soomaaliya.

“Aad ayaan u adkeynay ammaanka magaalada Mombasa, gaar ahaan garoomada iyo sidoo kale meelaha loo dukaameysi tago” ayuu yiri Nelson Achoki.

Magaalooyinka waaweyn ee Kenya ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan, kuwaas oo ka feejigan weeraro lagu soo qaado, waxaana lasii daayay fariimo bulshada lagu farayo iney ka feejignaadaan halista maadaama ay heleen xogo la xiriira magaalooyinka lagu wajahan yahay.

Al-Shabaab waxey weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya, inkastoo ay ku xoogan yahiin gudaha Soomaaliya, hadana weerarkii ay ku qaadeen Westgate Mall ayaa loogu xusuus badan yahay iyo sidoo kale midkii kale oo ay ku qaadeen jaamacadda Gaarisa.

Xigasho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post