267 Views

Puntland oo War kasoo saartay weerar lagu qaaday Xarun Ganacsi oo kutaalla Boosaaso

Puntland oo War kasoo saartay weerar lagu qaaday Xarun Ganacsi oo kutaalla Boosaaso
____________________________________________________________________________

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax bambaano oo xalay lagu weeraray xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso iyadoo uu ka dhashay qasaare kala duwan.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena waa ku dhaawacmeen weerar bambo-gacmeed loo adeegsaday oo dabley ay ku qaaday xarunta ganacsiga Al-Macruuf ee magaalada Boosaaso.

Qofka la xaqiijiyay geeridiisa ahaa ahaa waardiyihii xarunta oo kooxda weerarka soo qaaday markii ugu horreysay ay dileen inta aaney weerarka bambaanada qaadin.

kooxda weerarka qaaday ayaa bambaanooyin ku tuuray waxaana ay sababeen dab ka kacay xarunta kaas oo ay ka dhalatay khasaareba’an oo maaliyadeed, sida wararku sheegayaan.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo Xarunta la weeraray booqday ayaa sheegay inay aad uga xun yiiin falkaasi weerarka ah, isaga oo sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay weerarkaas.

Xarunta weerarka lagu qaaday ayaa ahayd meel ay inta badan dhallinyaradu ku caweeyaan xilliyada habeenkii ah.

Ciidamada booliska magaalada boosaaso ayaa sheegay in ay weli wadaan baaritaanno ku saabsan cidda ka dambeysay weerarkaasi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post