1932 Views

Kenya Oo Maanta Xuseysa Weerarkii Ceel-cadde

Kenya Oo Maanta Xuseysa Weerarkii Ceel-cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2018 –Dowladda Kenya ayaa maanta oo Isniin ah qabaneysa xus ku saabsan askartii uga dhimatay weerarkii Ceel Cadde ka dhacay 15-kii January 2016, Askar badan ayaa Kenya looga laayay weerarkaasi.

Waxa ay Kenya sanad walba xus u sameysaa Askarta looga laayay Ceel Cadde, kuwaasi oo ay ku sheegtay in ay ahaayeen geesiyaal wadaniyiin ah, iyada oo Kenya weli aysan sheegin tirada rasmiga ah ee weerarka looga laayay.

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xilli subax ah weerar ku ekeeyay Ceel Cadde, Hay’adaha ammaanka ayaa ku sheegay khasaaraha weerarkaasi in ka badan 100 Askari, iyada oo ay jiraan weli Askar nolol iyo geeri aanan lagu heyn.

Kenya ayaa bixisa mushaarka Askartii lagu laayay Ceel Cadde, taasi oo la siiyo qoysaskoodii sida in askartii nool yihiin, hayeeshee waalidiinta Askartaas waxa ay doonayaan in wax u kala cadaadaan.

Ururka Al-shabaab ayaa weerarkii Ceel Cadde ku qabsaday Askar nool oo Kenyan ah, qaarkood ayay muuqaalo ka soo duubeen oo ay soo geliyeen baraha Internetka, halka qaarka kalena ay weli heystaan.

“Dowladda aniga iguma aysan casuumin xuska weerarkii Ceel Cadde, wiilkeyga waxaa lagu magacaabi jiray Jonathan Anunda, waxa uu ku dhintay weerarkaasi, balse Dowladdu iima aysan sheegin in wiilkeyga uu nool yahay ama dhintay, qoysaska wiilashooda dhinteen waa lagu marti qaadaa goobta xuska, waxaan la yaabanahay dhaqanka Dowladda.” Ayuu yiri Benson Anunda oo ka mid ah waalidinta wiilashooda lagu dilay weerarki Ceel Cadde.

Sanad walba xilligan oo kale Ciidamada Kenya waxaa ay galaan heegan iyo feejignaan dheeraad ah, oo ku aadan in Shabaab weeraro la mid ah kuwii horey ay fuliyaan geystaan, January 2016 waxaa wada dhacay weerarkii Ceel Cadde iyo midkii Kulbiyow oo labaduba lagu beegsaday Ciidamada Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment