423 Views

Farmaajo oo hambalyo ah u diray Ciidanka Xoogga oo maanta dabaal degaya

Farmaajo oo hambalyo ah u diray Ciidanka Xoogga oo maanta dabaal degaya
____________________________________________________________________________

Talaado: April 12, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Munaasabadda 12-ka April oo ka socoto xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa hambalyo u diray qeybaha kale duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 62-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u diray qeybaha ciidammada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ugu qeyb galaya xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda, iyagoo ciidanka Xoogga ku dhiirigelinaya howlaha shaqo ay u hayaan qaranka iyo Umadda Soomaaliyeed, maadama ay maanta ku beegan tahay 12-ka April oo ah xiligii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed lagana joogo 62 sano guuro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post