768 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo Amaro kusoo rogay Hay’adaha ka howlgalla Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir oo Amaro kusoo rogay Hay’adaha ka howlgalla Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu amar culus kusoo rogay hay’adaha ka Shaqeeya dhinaca arrimaha Bulshada, sida dhamaan Hey’addaha NGO’s ka National iyo International ee ka Howlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxiegenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir  Marwo Basma Caamir  oo la ogeeysiiyay dhamaan Mas’uuliyinta Maamulka gobolka Banaadir oo ay ku jiraan maamulada degaannada Garas-baaleey, gubadleey iyo daaru-Salaam ayaa waxaa amar la dul-dhigay Hay’adaha ka howlgallka Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Amarada kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

1: in Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howlgelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  inta uusan dhamaan Sanadka 2020.

2: In Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.

3: Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aan sanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn.

4: In dhamaan hay’adaha ka howlgalla gobolka Banaadir laga bilaabo Maanta inay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  Basma Caamir Shakeeti

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post