1884 Views

Mareykanka oo badelay Qorshaha Ciidamadiisa ka howlgalla Bariga iyo Galbeed Afrika

Mareykanka oo badelay Qorshaha Ciidamadiisa ka howlgalla Bariga iyo Galbeed Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2018 –  Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay isbadel Ballaaran ku sameysay Ciidamada dowladda Mareykanka ee ka howlgalla qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka ku yaalla Bariga iyo Waliba Galbeed Afrika.

Waxa ay sheegtay dowladda Mareykanka in ay kordhisay Ciidamada dhulka ee ka joogga Afrika,islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan howlgallada ay waddaan Ciidamada dalalka Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamtay Ciidamadeeda ay  siiysay qalab casri ah si aanay khasaare uga soo gaarin weerarrada iyaga ka dhanka ah.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Thomas D. Waldhauser ayaa War uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in Ciidamada Mareykanka ay bedalleen qaabka ay uga shaqeyn jireen qaaradda Afrika , Maadaama Ciidamada Mareykanka dhowr jeer ay waxyaalo kasoo gaartay Weeraro hubeysan.

Taliyaha ayaa xusay in Kooxaha Hubeysan ee ay ka midka yihiin Al-Shabaab, Daacish iyo Bokoxaram ay adeegsanayaan Xeelado Khatar ku ah Ciidamada Mareykanka.

Taliyaha ayaa ugu dambentii xusay in ay xoojin doonaan Weeraradda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyaan Liibiya iyo Soomaaliya , sidoo kalena ay sare u qaadi doonaan taageeradda Ciidamada Labada dal.

Sanadkaan Gudihiisa Dowladda Mareykanka waxaa looga dilay Askari Weerar Al-Shabaab ay ka geysteen duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbadda Hoose.

Sidoo kale Sanadkii hore Mareykanka hal Askari ayaa looga dilay Soomaaliya, kaasoo ay beegsadeen Al-Shabaab xilli howlgal qorsheysan ay ka fulinaayeen gobolka Shabeellaha Hoose.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment