555 Views

Baarlamaanka Koonfur Afrika oo gubanaya goor dhawayd dab xoogan ka kacay

Baarlamaanka Koonfur Afrika oo  gubanaya goor dhawayd dab xoogan ka kacay
____________________________________________________________________________


Axad: January 2, 2022

Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ee ku yaalla magaalada Capetown waxaa la sheegayaa inuu ka kacay dab xooggan.

Shaqaalaha dab damiska ayaa ku howlan yihiin sidi dabkaasi ay u xakameyn lahayeen.

Dabka oo ka kacay dabaqa seddexaad ee dhismaha baarlamaanka ayaan weli la sheegin dabka waxa uu ka kacay.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyeyna waxaa laga dheehanayaa qiiq cirka isku shareeray oo dhismaha baarlamaanka ka baxaya.

Dabkan baarlamaanka Koonfur Afrika ka kacay ayaa ku soo beegmaya saacada un kaddib markii kaniisadda Cathedral ee aan dhismaha baarlamanka ka fogeyn lagu aasay Desmond Tutu.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post