1119 Views

SAWIRO:-Taliska xoogga dalka & AMISOM oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab

SAWIRO:-Taliska xoogga dalka & AMISOM oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 09, 2019 —Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta kulan ku yeeshay saraakiil uu horkacayay Taliyaha Qaybta 21aad General C/Casiis Cabdullaahi (Qooje) & Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

 

Kulanka oo ka dhacay Xerada AMISOM ee Baladweyn  ayaa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ka Tirsan Taliska Qaybta 27aad ee XDS,waxaana diirada lagu saaray sidii AMISOM iyo Ciidamada xooogga dalka Soomaaliya ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Al-Shabaab.

 

Taliyaha  Qaybta 27aad Cabdul Casiis Qooje ayaa AMISOM kaga warbixiyay Howlaha ay qaybtu ka wado Galmudug iyo qorshaha isku xirka Howlgallada ee Dowladu qorshaysay si loo Wiiqo awooda Al-Shabaab.

 

Saraakiisha Ciidamada AMISOM  ayaa dhankooda waxaa ay  Amaaneen booqashada Taliska 21aad ee Baladweyn iyo Howsha qaybta oo dardar ku socota tan iyo Magacaabistii Taliska Cusub  ee qeybta 21aad.

 

Saraakiisha uu horkacayo Taliyaha  Qaybta 27aad Cabdul Casiis Qooje ayaa Baladweyne waxaa ay u tageen inay ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle u qaadaan Magalada Dhuusamareb,hayeeshee qorshahaas lag diiday.

 

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Saraakiisha Xoogga Dalka Qaybaha 21-aad iyo 27-aad , Madaxweynaha Hirshabelle Waare , Madax Dhaqan , Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Degmo ee Hiiraan iyo Baladweyn iyo Saraakiisha sare ee AMISOM.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment