1116 Views

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee maamul daadejinta iyo Federaalaynta

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee maamul daadejinta iyo Federaalaynta
____________________________________________________________________________


Axad: November 7, 2021

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo ay wasaaradu ku hawllanayd inay dhammaystirto xoojisana hannaanka Maamul Baahinta Dalka, si taas loo gaaro Wasaaraddu waxay isku hawshay inay dhammaystirto Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka, iyadoo la tashiyo la samaynaysa dhammaan hay’adaha dowladda heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo in geeddi socodkaan qayb laga ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan in la dhaqan geliyo hannaanka Federaalka iyo Daadejinta Maamulka Dalka si waafaqsan Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celinayay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhammaystirka Siyaasaddan hay’adaha Dowladda iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaasaradda.

Xigasho

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post