1083 Views

Midowga Musharaxiinta oo farriin u diray Taliyeyaasha Ciidanka

Midowga Musharaxiinta oo farriin u diray Taliyeyaasha Ciidanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 15 2021–Midowga Musharaxiinta ayaa faahfaahiyay Mudahaaradka lagu waddo in maalinta Jimcada ah uu ka dhaco Muqdisho kaasoo looga soo horjeedo dowladda uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxa  Jimcada uu yahay mid nabdoon oo laga ilaalin doono rabsho laakiin ay helayaan wararka sheegaya in dowladda ay doonayso in ay carqaladeyso.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay hay’ddaha Ammaanka in aysan carqaladeyn Banaanbaxa, islamarkaana laga doonaayo in ay suggaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cijaar ayuu ugu baaqay in uu qaato kaalin dhexdhexaad ah oo lagu xaqiijinaayo Amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayuu sidoo kale ka dalbaday in uu ka taxadaro in ciidanka xoogga aysan ku milmin siyaasadda oo adeeg amni ay siyaan muwaadiniinta soo banaanbixi doona si loo xaqiijiyo ammaanka guud ah goobta banaanbaxa.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post