921 Views

Sheekh Maxamed Shaakir “ Galmudug waxay Noqotay in Xil laga qaato oo lala wareego, anaga waa u Qidmaynaynaa shabaab ayaan ka saaraynaa

Sheekh Maxamed Shaakir “ Galmudug waxay Noqotay in Xil laga qaato oo lala wareego, anaga waa u Qidmaynaynaa shabaab ayaan ka saaraynaa
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Hogaamiyaha ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir oo la hadlayay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladaha Gobolka Galgaduud gaar ahaan galmudug, waxa uuna sheegay in ay Diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Al-shabaab.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in la soo weeraray markii ay ku jireen Siyaarada shekh Yuusuf Direed, meeshii shabaab laga aadi lahaana la soo aaday Culumada, taasi oo sababtay in ay Hubka qaataan.

“ Wadanka waa Wadankeenii waan soo laabanayay, Markii aan joognay Huurshe, waan sheegnay in aan la dagaalano Al-shabaab, Argagixisada la salaami mayo loona Qosli mayo waa in loo diyaariyaa waxay ay wataan oo lagula dagaalamaa, saas ayaan hubka u qaadanay.

Waa ogtahay in Wisil ay qabsadeen caad ay qabsadeen marka galmudug waxay Noqotay in laga qaato Xil, marka Xilka waa  in Galmudug loogu qidmeeyaa, kuwa shabaab  ka sokeeya ee  isku dayaya in Shabaab ay naga difaacaan waa iska dhicinaynaa”ayuu mar kale yiri Shaakir.

Sidoo kale Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay  in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post