951 Views

UK oo Ciiddamo Khaas ah u soo direysa Soomaaliya

UK oo Ciiddamo Khaas ah u soo direysa Soomaaliya
____________________________________________________________________________

250 ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee UK ayaa loo soo diri doonaa Somalia, si ay Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM taageero uga siiyaan La-dagaalanka Alshabaab.

Wargeyska Express ee ka soo baxa London waxa uu cadadkiisa shalay oo Axad ahayd qoray Xog ku aadan in Ciiddankaasi loo soo daabuli doono gudaha Somalia 12-ka bilood ee soo socota.

Arrintan ayaa timid dhowr bilood kadib, markii la asaasay Guutada Hawlgalka Khaaska “ The  Special Operation Brigade”, oo uu ku dhawaaqay Taliyihii hore ee Ciiddanka Cirka ee Khaaska UK ee Special Air Service (SAS) , Jeneral Mark Carleton-Smith oo haatan madax ka ah Ciiddanka Britain.

Jeneral Mark Carleton-Smith waxa uu qorshihiisa ku soo bandhigay  Golaha Atlantic “The Atlantic Council” oo ah Urur aan Xisbina ka tirsanayn, wuxuuna xusay inuu doonayo in 12-ka bilood ee soo socota ku dhiso Guutada Koowad ee Ciiddanka Rangers-ka.

“Waxaan doonayaan inaan arko, iyagoo loo daad-gureeyo Bariga Africa si ay u taageeraan La-hawlgalayaasheenna Bariga Afrika” ayuu yiri Jeneral Mark Carleton-Smith, inkastoouusan sheegin halka Ciiddankaasi loo diri doono iyo muddada inta ay la eg tahay.

Balse, Ilo-wareedyo ayaa waxay habeen hore xaqiijiyeen in Ciiddankaasi saldhigooda noqon doono Somalia, si ay Ciiddanka Khaaska ee Somalia ugu tababaraan Xeelladaha Dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

“Dadkeena waxay bedeli doonaan Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee tababari jirey Ciiddanka Dowladda Somalia” ayaa lagu yiri Xogtaasi oo uu Wargeyska Express soo xigtay.

Si kastaba ha ahatee, Shaacinta goobta ugu horeysa ee  ay Ciiddanka Rangerska UK ka fulin doonaan Hawlgalkooda Koowad ee Somalia ayaa la rajeynayaan in lagu dhawaaqo Shirweynaha Hoggaamiyayaasha  dalalka G 7 ay bisha soo socota ee June 11-da ilaa 13-da ku yeelan doonaan Gacan-biyoodka Carbis Bay ee Gobalka Cornwall ee dalka Britain.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post