705 Views

Ciidammada gaarka ah ee Guinea oo ku dhawaaqay bandow socon doona Waqti dheer

Ciidammada gaarka ah ee Guinea oo  ku dhawaaqay bandow socon doona Waqti dheer
____________________________________________________________________________

Isniin: September 6, 2021

Ciidammadaasi ayaa Axaddii talada dalkaasi afgambi kula wareegay iyagoo gacanta ku dhigay madaxweyne Alpha Conde.

Bayaan ciidammada awoodda qabsaday ay soo saareen oo lagu baahiyay Idaacadda Qaranka ayey kooxdu ku sheegtay inay dhowri doonaan badqabka madaxweynaha.

Waxa ay sheegeen in barasaabyada gobollada lagu badelay taliyayaasha milateriga waxa ayna kulan saaka oo Isniin ah isugu yeereen wasiirrada iyo hogaamiyayaasha kale ee qaran, iyagoo ku kulmi doona baarlamaanka dalkaasi.

Waxa ay sheegeen in cidkasta oo ku guuldarraysata inay kulankaasi soo xaadiri wayso waxaa loola dhaqmi doonaa sida fallaago oo kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post