1020 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulamo ka wada Nairobi

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulamo ka wada Nairobi
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 28-2020—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(Laftagareen) ayaa Maalmahan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxa uu kulamo kala gedisan kula qaadanayey Hay’addaha Deeqaha Bixiya kuwa Samafalka iyo Safiiradaha Qaar.

 

Kulamadaan oo kamid ah kulamada looga hadlaayo Hormarinta iyo ka Faa’ideysiga Deeqaha ay bixiyaan Dowladda Jarmalka oo Dowladda Soomaaliya ay ka taageereyso dhinacyo Badan oo Mashaariicda ah waxa uu u dhaxeeyey Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen iyo Safiir Ku Xigeenka Dowlada Jarmalka Madaxa Hormarinta Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Jarmalka.

 

 

 

Saacadaha Shirka Socday waxa uu ahaa mid looga hadlayey Deeqaha Dowlada Jarmalka ay siiso Dowladda Soomaaliya iyo sidii qeybta Gobolada Koonfur Galbeed Loo Kordhin Lahaa loona Dardar gelin lahaa Sidii Bulshada Reer Koonfur Galbeed ay uga Faa’ideysan lahayeen Mashariicda Dhinacyada Shaqa Abuurka, Dib udhiska, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Hormarinta Bulshada, Shirka ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimaha Samafalka iyo kaalinta ay ka qaadaneyso Dowladda Jarmalka.

 

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Safaarada iyo Dowlada Jarmalka kaalinta Hormarineed ay ka geysanayaan Guud ahaan dalka gaar ahaan Gobolada Koonfur Galbeed,waxaana uu ku Dhiirageliyey inay sii Laba jibaaran Shaqada ay ka hayaan Deeganada Koonfur Galbeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment