1401 Views

SAWIRO:-Booliska Puntland oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa

SAWIRO:-Booliska Puntland oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 20, 2019 —Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay kusoo saareen qaraxyo miino oo lagu Aasay bartamaha Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.

 

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegayaan in Miinadaas ay cadawga Puntland doonayeen inay ku dhibateeyaan Shacabka,hayeeshee ay fashiliyeen,isla markaana ay kasoo saareen goobtii lagu Aasay.

 

Waxaa uu sheegay taliyaha in howlgallada laga fulinayo gudaha Magalada Boosaaso ay noqon doonaan kuwa isdaba-joog ah ilaa laga xaqiijinayo Amniga Guud ee magalada Boosaaso oo bilihii u dambeysay ahaa mid aan wanaagsaneyn.

 

Howlgalka ay siwadajirka ah Ciidamada Booliska iyo kuwa PSF-ta Puntland ay uga fuliyeen Magalada Boosaaso ugana soo saareen Miinooyinka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyo is xiga xiga ay ka dhaceen qaraxyo miinooyin ah.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment