1191 Views

Sawiro:- Maamulka Jubbaland oo howlgal ka bilowday Jubbadda Hoose

Sawiro:- Maamulka Jubbaland oo howlgal ka bilowday Jubbadda Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 06, 2019—Cutubyo ka tirsan ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howl-gallo waxa ay ka sameeyeen degaanka beerxaani oo qiyaastii 50KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

 

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Khaalid Sheekh Cabdullaahi oo goob faagaara ah kala hadlay shacabka deegaanka Beerxaani ayaa sheegay in ciidankani yihiin ciidanka Jubbaland ayna halkaan u yimaadeen ilaalinta nabad galyada shacabka,islamarkaana ay doonayaan in Al-Shabaab laga saaro degaanada hoos yimaada Beerxaani.

 

Taliska Ciidanka Nabadsuggida Jubbaland ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen degaano dhowr ah ka hor inta aysan soo gaarin Ciidanka Hay’addaha Ammaanka maamulka Jubbaland.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalin  ka hor sheegay in ay bilaaban doonaan howlgallo xooggan oo lagula dagaallamaayo Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Shacabka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment