909 Views

Guddoonka Golaha Shacabka oo War kasoo saarey dagaalka Mudug

Guddoonka Golaha Shacabka oo War kasoo saarey dagaalka Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 9, 2019 | QOL |   –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa ku baaqay in si Deg Deg ah loo joojiyo dagaal Beeleedka kasoo cusboonaaday Deegaano Ka tirsan Gobolka Mudug.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu Maanta markale ka dhacay duleedka degmada Towfiiw we Gobolka Mudug,waxaana la soo sheegayaa inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux dhaawacana uu intaasi ka badan tahay.

 

 

 

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa ay isku heystaan Dhul ku yalela deegaannada lagu dagaalamayo,waxaana dagaalkooda uu y mid soo laab laabtay.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqday in la diyaariyey Ciidamo isku dhaf ah,kuwaas oo kala dhex-geli doona maleeshiyaadka dagaalamay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment