1218 Views

Uhuru Kenyatta oo loogu baaqay in uu taageero weydiisto Madaxweyne Farmaajo.

Uhuru Kenyatta oo loogu baaqay in uu taageero weydiisto Madaxweyne Farmaajo.
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-27-2020
-John Mututho oo horay uga tirsanaa baarlamaanka Kenya lagana soo doortay magaalada Naivasha ee dalkaasi ayaa ku booriyey Uhuru Kenyatta in uu ku daydo Maxkamada Gobolka Banaadir oo xabsiga iyo ganaax ku riday Agaasime-yaal iyo shaqaale ka tirsanaa wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo wariye-yaasha kula hadlayey magaaladda Nakuru, ayaa kula taliyay Dowladiisa Kenya in ay qaado talaabo lamid ah tan Soomaaliya ayna xirto hogaamiye-yaasha wax-is-dabamarinta ku haaya qalabka caafimaadka ee loogu talagalay ka hortaga iyo Xakamaynka Xanuunka Covid-19.

Mututho ayaa u soo jeediyey xukuumadda Nairobi hadii aysan awood u lahayn in ay baarto qaabka loo musuqmaasuqay hantidaas ay taageero waydiisato Dowladda Soomaaliya si ay u caawiso.

“Soomaaliya waxay na tusisay sidda loo xiro loona maxkamadeeyo dadka musuqmaasuqa ee xaday dhaqaalaha Covid-19. Madaxweyaha waa in uu ka codsadaa Soomaaliya kaalmo ku saabsan arrintaan. Mudane madaxweyne, waanu og-nahay in aadan halkaan iska joogin, waxaad u joogtaa Kenya, hadda waa in aad la hadashaa madaxweynaha Soomaaliya si uu kaaga caawiyo arrintaan,” ayuu yiri.

Siyaasiga oo ku dhaliilay Xukumada Nairobi in ay ku fashilantay in ay wax ka qabato musuqa ayaa sheegay in loo baahanyahay baaritaan dheeraad ah si wax looga qabto dambiyada la xiriira xatooyada xoolaha dadweynaha.

“Hay’addaheena waxay ku fashilmeen in ay baaraan ama soo xiraan dambiileyaasha, tanina waa sababta aan u sheegeyno in aan u baahan aan ka helno Soomaaliya oo na tusisay tusaale wanaagsan oo lagula macaamili karo tuugada deeqaha Covid-19,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dowladda Kenya ayaa ilaa horaantii sanadkaan 2020 diiwaan galisay 32,803 kiis oo ah xanuunka aduunka aanfeeyay ee Coronavirus , halka tirada dhimashadduna gaartay 559; soo kabashaduna waa 19,055.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post