1062 Views

Mareykanka Oo Turkiga Uga Digay Cunaqabatayn

Mareykanka Oo Turkiga Uga Digay Cunaqabatayn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay inay Turkiga u qabatay ilaa dhamaadka isbuuca koowaad ee bisha June inay ka baxdo Heshiiska ay Raashiya kaga iibsanayso Nidaamka Difaaca Hawada ee S400.

Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka tallaabo adag ka qaadi doonaan Turkiga, haddaysan ka laabanin Heshiiskaasi, isla markaana ay Turkiga la kulmi doonaan ciqaab adag oo ay ku jirto Cunaqabatayn.

Warbixinta Telefishinka NBC Newswaxaa kaloo lagu sheegay inay Turkiga lagala laaban doono Barnaamijka Diyaaradaha Dagaalka F35 iyo inay lumin doonaan ballanqaadkii looga iibin lahaa 100 ka mid ah Diyaraadahasi.

Bishii December ee sannadkii 2017-kii, ayey Dowladda Turkiga waxay Raashiya la saxiixatay Heshiis Amaah lacageed oo dhan 2.5 Billion OO Dollar, oo ay ku iibsanayso 4 xabbo ee Gantaalladda Nidaamka Difaaca Cirka ee S400, iyadoo ay Maraykanka iyo Dowladaha Isbahaysiga NATO naqdiyeen Heshiiskaasi, kana muujiyeen walaac dhanka Ammaanka iyo Kalsoonida Turkiga oo xubin ka ah Isbahaysigaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment