762 Views

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Dalka Rwanda ka furtay shir muhiim ah

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Dalka Rwanda ka furtay shir muhiim ah
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta ka daahfurtay Magaalada Kigali ee Wadanka Rwanda Madasha Maayarada Soomaaliya (Somali Mayors’ Forum), waxaana Madasha sida wada jir ah u wada furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Wasiirka Dowladaha Hoose ee wadanka Rwanda.

Madasha waxaa kasoo qayb galay 14 Maayar, Agaasimayaasha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada iyo Madax ka socoto hay’ahada JPLG, Madashaan waa waa madashi ugu horeeysay oo nooceeda ah oo la qabto wuxuuna noqon doona mid wadanka gudihiisa ka dhaca wixii hadda ka dambeeyo.

Kulamada Madasha ayaa kasii socon doono Magaalada Kigali ilaa 18ka bishaan iyadoo masuuliyiintu booqan doonaan goobo taariikhi ah iyo xarumo dowladda hoose iyo dowladda dhexe ee Ruwanda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post