1008 Views

Wasiirada dowladda Afganistan oo isu diyaarinayo goor dhaw in ay is casilaan

Wasiirada dowladda Afganistan oo isu diyaarinayo goor dhaw in ay is casilaan
____________________________________________________________________________


Axad: August 15, 2021

Wasiirada dowladda Afganistan oo isu diyaarinayo inay xilka si nabad ah ku wareejiyaan

Xaaladda Kabul waxay ku socotaa si xawli ah iyadoo la soo tebinayo inay jiraan dad qaxaya.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Afghanistan ayaa ka soo muuqday muuqaal, laga sii daayay TV -ga maxalliga ah ee Tolo, isaga oo sheegay in si nabad ah xukunka loogu wareejin doono dowlad ku meel gaar ah. Wuxuu sheegay in Kabul aan la weerari doonin.

Wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan dowladda Afgaanistaan ayaa sheegtay in ergada Talibaan u qaabilsan wada -xaajoodyada ay ku sii jeedaan madaxtooyada si ay isugu diyaariyaan ku “wareejinta” awoodda.

Kooxda Taliban ayaa goor sii horreysay sheegtay inay ku amreen dagaalyahannada inay ku sugnaadaan irdaha magaalada.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post