321 Views

Nin xaaskiisa madaxa ka gooyey oo 7 sano xabsi ah lagu xukumay dalka Iran

Nin xaaskiisa madaxa ka gooyey oo 7 sano xabsi ah lagu xukumay dalka Iran
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18, 2023

Garsoorka dalka Iran ayaa sheegay nin xaaskiisa madaxa ka gooyey oo ay da’diisu tahay 17 jir in lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah.

Sawirrada Sajjad Xeydari oo sita madaxa Muna ee Ahvaz oo loogu yeeray ‘dilka sharafta’ oo dhacay sanadki hore ayaa sababay caro baahsan.

Afhayeen u hadlay garsoorka Iran ayaa sheegay in xukunka la dabciyo iney ka dhalatay waaliddiinta Muna oo cafis u fidiyey wiil gabadhooda dilay halki ay dalban lahaayeen in Sajjad loo ciqaabo.

Muna ayaa ahayd gabar la qabay oo lagu guursaday 12 jir ilmihi ugu horreysayna ku dhashay marka ay 14 jir ahayd.

Warbaahinta maxalligana waxay sheegeen Muna iney dalka Turkiga u carartay kaddib marki ay u adkeysan weyday xadgudubyada uu ninkeeda u geysanaya furriinna ay ka dalbatay.

Waxayna Iran ku soo laabatay Bishii Febraayo ee sanadki hore kaddib marki ay reerkeeda siiyeen dammaanad buuxda, hase yeeshee uu ninkeeda marki dambe dilay.

Afhayeenka garsoorka Iran Mascuud Setayeshi wuxuu warfidiyeennada arbacadi u sheegay sharciga Iran inuu dhigayo qofki qof dilo in isna la dilo balse haddii ay qoyska qofka laga dilay cafiyaan xukunka la khafiifinayo.

2020-kina aabba gabadhiisa u dilay gabadhiisa oo wiil la socota darteed ayaa isna lagu xukumay 8 sano oo xarig ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post