1143 Views

Kulan ay garwadeen ka ahayeen (Qooqoor) iyo Cabdi Qeybdiid oo fashilmay, laguna baajin lahaa banaanbaxa. Villa Somaliya oo is hor taagtay

Kulan ay garwadeen ka ahayeen (Qooqoor) iyo Cabdi Qeybdiid oo fashilmay,  laguna baajin lahaa banaanbaxa. Villa Somaliya oo is hor taagtay
____________________________________________________________________________

 Warar  kala duwan ayaa ka soo baxaya kulan la sheegay in uu fashil ku dhamaaday, kaasi  oo ku aadanaa  sidii loo baajin lahaa bannaanbaxa looga soo horjeedo dowladda ee loo ballansanyahay maalinta Jimacaha.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ergo ka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay kamid yihiin madaxweynaha Galmudug Axmed abdi kaariye  (Qooqoor), Senator Cabdi Qeybdiid ay dedaal u galeen sidii loo kulansiin lahaa Ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha midowga midowga musarxiinta, taasi oo la sheegay in lagu guul-dareystay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku sii darayaan in midowga mushararixiinta ay xubanahan ergada ah hor dhigeen in xukumadda marka hore ay bixiso raali-gelin ku aadan rabshadihii dhacay 19-kii bishaan, kuwaaasi oo lagu hor istaagey bannaanbax ay midowgu soo qabanqaabiyeen. Madaxtooyadda Soomaaliya ayaana ka soo horjeedsatay dalabka musharixiinta.

Sidoo kale Ilo ku dhow dhow shirarka labada dhinac loogu kala dab qaadayay ayaa sheegaya in dhanka Ra’iisul Wasaaraha ay wax ka soo dhowaadeen, balse culeyska uu ka yimid dhanka Madaxtooyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post