66 Views

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Uganda

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Uganda
____________________________________________________________________________

KAMPALA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS ayaa halkaas uga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah oo ka dhaya halkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post