921 Views

Wafdi ka socda Dowladda oo gaarey Magalada Dhuusamareeb

Wafdi ka socda Dowladda oo gaarey Magalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —MMagaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac,iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.

 

Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid,Siyaasiyiin uu ka mid yahay Salaad Cali jeelle iyo Xubno kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweyne kuxigeenka Galmudug & Xubno kale.

 

 

 

U jeedka wafdiga ay Maanta u tageen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi lagu qaban doono shir looga hadlayo Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka,si sare loo qaado ogaalka bulshada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka iyo in ay aragti ku yeeshaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

 

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay shirar ku saabsan Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka ku qabatay Xarmaha Maamul Goboleedyada dalka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment