1731 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdirahman CShakuur oo mar kale kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdirahman CShakuur oo mar kale kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2018 – Kulan tuhun badan dhaliyay ayaa maalintii jimcaha kadhacay kuriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo kula kulmay Cabdiraxman Cabdishakuur,

Kulankaas oo ah markii labadan ay kulmaan labadan siyaasi ayaa waxaa dadka siyaasada u dhuundaloola ay ku sheegeen mid tuhun dhalin kara taas oo ay ku sheegeen in Cabdirahmaan Cabdishakuur oo maalmo kahor bartiisa Facebook-ga kaga hadlay arimo ku aadan wada shaqeyn dhexmari doonta laba xisbi oo ay kala hogaamiyaan labadan shaqsi.

Kulamada ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu ka soo kabayo xassilooni daradii ka dhalatay mooshinkii dhawaan tiro ka mid ah xildhibaanada ay ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hore waxaa u jirtay xan ahayd in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kula midoobo Xassan Sheekh iyo xisbigii Daljir hal urur balse ma dhicin taas.

Walow aan la hubin, hadana waxaa macquul ah in loo gogol xaarayo midow labad xisbi ah, Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo midka Cabdiraxmaan Cabdishkuur ee Wadajir ama laga hadlayo qaab kale oo ay isula jaan qaadi karaan.

Cabdiraxmaan waxa uu hore la taliye ugu soo noqday Xassan Sheekh xillii uu ahaa Madaxweynaha.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment