396 Views

Madaxweynaha Galmudug oo cambaareeyay qarixii Jowhar, xilli Cali Guudlaawe ka hadlin

Madaxweynaha Galmudug oo cambaareeyay qarixii Jowhar, xilli Cali Guudlaawe ka hadlin
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa cambaareeyay qaraxii Maanta ay  Al-Shabaab ku weerareen Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe sidoo kalana ah caasimadda Hir-Shabeelle.

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug ayaa xusay in uu xanuunka iyo tiiraanyada la wadaagayo madaxwenaha Hir-Shabeelle iyo shacabkaba, isagoona inta ku dhimatay Eebbe uga baryay in uu janadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawacantayna u booga dhayo.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa carrabka ku adkeeyay in meel looga soo wada jeesto argagixisada, sidoo kalana dagaal saf ballaaran ah lagu qaado goobaha ay kasoo duulaan, kana soo maleegaan qaraxyada ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Warkaan kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo maamulo halka qaraxa uu ka dhacay uusan weli cambaareen weerarkaasi qaraxa ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post