81 Views

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ayaa ka wada hadlay sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa Banaanbax looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa  kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in Qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia iyo damaceeda ku aadan xadgudub Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post