843 Views

Akhriso: Sida ay u dhacday doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland

Akhriso: Sida ay u dhacday doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland
____________________________________________________________________________

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa Maanta sirasmi ah uga qabsoontay doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaliland iyo labadiisa kuxigeen, taas oo ay siweyn ugu loolameen xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen 81 mudane ayaa Kursiga koowaad ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxaa u tartamay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif oo ka socda Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ku guuleystay Cabdirisaaq Khaliif oo helay 42 Cod halka Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo la tartamay uu helay 30 Cod.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku tartamay Saciid Mire Faarax oo ka socday Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Cumar Jaamac Faarax oo ka socday xisbiyada Mucaaradka, waxaana xilka Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada ku guuleystay Saciid Mire Faarax oo helay 41 Cod halka Cumar Jaamac Faarax uu helay 40 Cod.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku tartamay Cali Xaamud Jibriil oo ka socday Xisbiyada Isbhayesiga mucaaradka iyo Cabdinaasir Yuusuf Godax oo ka tirsan Xisbiya talada haya ee Kulmiye, waxaana xilka Guddoomiye kuxigeenka labaad ee ee Golaha Wakiilada Somaliland ku guuleystay Xaamud Jibriil oo helay 43 cod, isaga oo ka guuleystay Cabdinaasir Yuusuf Godax oo ay u coddeysay 38 Mudane.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Maanta ahaa shir guddoonka Golaha ayaa waxaa uu isla goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland iyo labadiisa kuxigeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post