1941 Views

Wasiir Cawad Oo Itobia Kulakulmay Xulka Qaranka Soomaaliyeed

Wasiir Cawad Oo Itobia  Kulakulmay Xulka Qaranka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa casho sharaf u sameeyay cayaartoyda xulka Soomaaliyeed oo iskudayaysa inay sameeyaan taariikh cusub, muujiyaanna awooddooda si ay ugu soo baxaan isreeb-reebka cayaaraha olombikada.

Fiidnimadii xalay ayaa hotel ku yaala Addis Ababa lagu qabtay casha sharafeedka oo ay ka soo qeybgaleen cayaartoyda iyo tababarahooda. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu ku dhiirri-geliyay cayaartoyda inay gacmaha is qabsadaan, ayna la soo banbaxaan cayaar wanaag aad u sarreysa si ay u gaaraan guul weyn.

Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’dooda ay ka hooseyso 23 sano-jir ayaa maanta oo Arbaco ah la cayaari doona dhiggooda Itoobiya wejiga koowaad ee isreebreebka olombikada lagu qaban doono magaalada Tokyo sanadka 2020.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment