627 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Gudiga Taakulaynta dadka laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo  Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Gudiga Taakulaynta dadka  laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood
____________________________________________________________________________

khamiis: October 14, 2021

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Gudiga Taakulaynta Walaalaha laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood ee Maamulka Soomaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay ka dhagaystay Gudiga waxaana ay tilmaameen in waxba ay ku guuleysteen sida helida goobo ku meel gaar ah oo ay dejiyeen Barakaciyaasha ka warqabka Caafimaadkooda iyo Noloshooda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Umahadceliyey Gudiga.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa garab istaagaa aad u-muujiseen walaalaha laga soo musaafuriyey magaalada laascanood ee maamulka soomaliland dadaalka wadajirka aad geliseen waa mid mudan amaan iyo bogaadin, kan dowlad ahaan waxaa naga go’an in sida ugu dhow aan wax ugu qabano shacabka masakiinta ah ee sida qaabka daran loola soo dhaqmay inagoo kaashanayna dowlada federaalka iyo saaxibada beesha caalamka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa xusay in sida ugu dhow Dadka lasoo Musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool loogu samayn doono dib udejin iyo Weliba ka Warqa

By  Cabdi Cade

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post