798 Views

Kim Jong-un oo sigaarka ku cabba fagaarayaasha balse dadkiisa ka mamnuucay

Kim Jong-un oo sigaarka ku cabba fagaarayaasha balse dadkiisa ka mamnuucay
____________________________________________________________________________

Sidee dal sida Kuuriyadda Waqooyi oo kala ah xal ugu halayaa tirada aadka u badan ee dalkaaasi ee cabba sigaarka, xilli hogaamiyahooda uu farriin qaldan dirayo islamarkana fagaarayasaha uu sigaarka ku cabbo.

Waxaa dalkaasi ka socday olola ballaaran oo ka dhan ah Sigaar cabbidda, halkaasi oo kala bar ragga dalkaasi ay sigaarka cabbaan, inkastoo aysan dumarka cabbin, sida lagu sheegay daraasad ay sameeysay hay’adda caafimaadka aduunka WHO.

Sharci la ansixiyay horraantii sanadkan ayaa mamnuucaya in goobaha dad weynayha ay isugu yimaadaan aan Sigaarka lagu cabbi Karin si “faya-dhowrka caafimaadka iyo deegaanka loo ilaaliyo”.

Balse warbaahinta dowoladda ayaa mar walba waxaa laga baahiyaa muuqaalka hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo gacanta ku haysta sigaar taasi oo lagu tilmaamay in ay bulshada inteeda kale tusaale xun u tahay.

Hadaba maxay thay guusha laga gaari karo tallaabooyiinka lagu xakameynayo cabbidda Sigaarka?

Muxuu dhigayaa sharcigan cusub?

Sharciga ka hortaga sigaarka ayaa la ansixiyay horraantii bishii November , waxaana uu sharcigan dhigayaa inaan Sigaar lagu cabbi Karin xafiisyada dowlada, kuwa ururada, islamarkana “ay qasab tahay in uu qofka raaco uuna qofka ilaaliyo caafimaadka iyo noolasha dadwaynaha “.

Sharcigan ayaa waxaa uu adkeynayaa “in bulsha ahaan iyo sharci ahaan la xakameeyo soo saaridda iyo iibinta Sigaarka”.

Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale ku xusan goobaha uu sigaarku mamnuuca ka yahay, sida “goobaha dadka lagu baro falsafada nidaamka siyaasad dalkaasi lagu”,

Goobaha kale ee Sigaarka laga mamnuucay ayaa waxaa ka mid ah Shaneemooyiinka, goobaha waxbarshada, gaadiidka dadwaynaha.

Waxaa sidoo kale jira in la hadal hayo ciqaab ka dhalan karta cidda sharcigan jabisa, balse warbaahinta dowladda ma cadeyn waxa qofka lagau ciqaabayo.

Maalmo ka dib markii sharcigan la meelmariyay, wakaalada wararka ee dalkaasi ee KCNA ayaa ku warantay in dadka cabba sigaarka ay halis ugu jiraan in uu ku dhaco Corona, iyaga oo soo xiganaya “dhakhatiirta iyo khubarada guud ahaan caalamka “.

Goormaa ayuu bilaabmay ololaha ka dhanka ah Sigaarka?

Ololaha ka dhanka ah Sigaarka ee dalka Kuuriya Waqooyi ayaa ahaa mid muddo dheer socday tan iyo intii uu dalkaasi saxiixay heshiika WHO ee looga xakameynayo Sigaarka sanaddii 2005.

” Ololaha dadka lagu wargalinayo in Sigaarka uu waxyeelo leeyahay ayaa la qabtay 2019, waxaa sidaasi ku warantay wakaaladda wararka ee KCNA.

Wakaalada ayaa intaa ku dartay in la qaaday tallaabooyiin lagu xakameynayo in dalka la soo galiyo Sigaarka.

Kim Jong-un oo tareen ugu socdaalay Vietnam

Maxaa soo rogaal celiyay hadal haynta ku saabsan caafimaadka Kim Jong-un?

Waxaa sidoo kale barta internet-ka ay ku leedahay dowladda Kuuriyada Waqaooyi lagu daabacay macluumaad dadka uga digaya halista sigaarka.

Hogaamiye aad u cabba Sigaarka …

Balse Kim Jong-un qudhiisa ayaa ah nin sigaarka aad u cabba islamarkana waxaa la arkaa marka uu booqanayo meelaha muhiimka ah isaga oo sigaar gacanta ku sita.

Xaaska Kim oo lagu magacaabo Ri Sol-ju ayaa waxaa la sheegay in ay ku booriso in uu sigaarka iska dhaafo balse “uu ak dhaga adeego “, sida ay qoreen qaar ak mid ah warbaahinta.

Ma sax baa in aysan Dumarka cabbin Sigaarka ?

Tirada dadka cabba sigaarka ayaa aad u sareysay sanooyiinkii u dambeeyay dalka Kuuriyada Waqooyi, waxaana laga cabsi qabaa in tiradaasi aysan hoos u soo dhicin.

Warbixinta ay soo saartay hey’adda WHO ayaa waxaa lagu sheegay in sanaddii 2019 46.1% ragga kuuriyada Waqooyi ay sigaarka cabbaan marka ay da’doda tahay 15 sano jir.

Sida ku cad daraasad la sameeyay haweenka dalka Kuuriyada Koonfureed ma cabbaan sigaarka.

Sababta ayaa lagu sheegay in dumarka cabba sigaar ay bulshada aad u liido.

“Dhaqan ahaan iyo bulsha ahaan waa ceeb in dumarka ay sigaarka cabban, gaar ahaan kuwa da’a yarta.

Dalka Kuuriyada Koonfureed, qaar ka mid ah haweenka xaasaska ah iyo kuwa da’da ah ayaa cabba sigaarka, iyaga oo la dhuunta,” waxaa sidaasi BBC u sheegay James Banfill oo u sheaqeeya hay’ad Mareykan ah ka howlgasha Kuuriya Koonfureed.

Dalka Kuuriyada Waqooyi xitaa dumarka ayaa ololaha loo isticmaalay si ragga ay ugu dhiirigaliyaan joojinta cabbidda sigaarka.

sanad kasta waxaa dalka Kuuriyada Waqooyi cudurada laga qaado sigaarka u dhinta 71,300 , sida lagu xusay macluumaad ay soo uruurisay hay’adda Tobacco Atlas.

Maxay tahay sababta Kim Jong-Un uu ugu qanacsanyahay Singapore?

Maxaa ka jira in Kim Jong-un laga qalay wadnaha?

Guulo ma laga gaaray ololahan ka dhanka ah Sigaarka?

Qaar ka mid ah khubarada ayaa rumeysan in ololahan hormar laga sameeyay.

“Wax ka yar kala bar ragga taasi oo u dhiganta 46.1% ayaa cabba sigaarka, taasi horey u ahayd 52.3% sanaddii 2009.

Muddooyiinki u dambeeyay in ka badan 20 jeer ayaan booqday Kuuriyada Waqooyi, waxaan arkay dad tira yar oo cabbaya sigaarka magaalada Pyongyang, gaar ahaan dhalinyarada,” waxaa sidaasi sheegay Kee B Park, oo ah agaasimaha mashruuca nidaamka caafimaadka ee Kuuriya.

Balse waxaad qiyaastaa miisaanka culus ee ay yeelan lahayd farriinta ay direyso in hogaamiyaha uu tusaale wanaagsan u noqdo shacabka islamarkana uu joojiyo cabbidda Sigaarka.

BBC Somali.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post