3300 Views

Sanadguurada 40aad ee aasaaska iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Jowhar

Sanadguurada 40aad ee aasaaska iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 8, 2018 – Munaasabad lagu maamuusayay aasaaska ururada iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo ay maanta ka soo wareegatay 40 sano ayaa maanta lagu qabtay xarunta ururka Iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe.

Qeybaha kala duwan ee Iskaashatooyinka ka dhisan gobolka Sh/dhexe ayaa ka soo qeybgalay munaasabadan waxaana halkaas laga soo jeediyay  qudbado ka hadlaaya waxqabadka ururada iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe.

Ururada iskaashatooyinka ka dhisan gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka mid ah  iskaashatada beeraha, kalumeysiga, farshaxanka,gaadiidka,xoolahai yo keymaha iyo iskaashatada Birmaal ama warshadaha yaryar,waxgarad iyo martisharaf kala duwan.

Munaasabadan ayaa loogaga sheekeeyey waxqabadka ururada iskaashatooyinka Soomaaliyeed mudadii ay jireen waxaana gaar ahaan loogaga hadlay waxqabadka ururka iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha ururka iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe Cabdulaahi Xuseen Biis oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe ay waxqabad muuqda la yimaadeen.

“Waxqabadkii ugu dambeeyay ee ururada iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe waxa  uu ka socdaa biyo xireenka Balcad waayo ururka iskaashatooyinka Balcad ayaa ka wada howlo biyo xireenka wabiga lagu waraabinayo beeraha aysan biyaha wabiga gaari karin xilligan jiilaalka ah.”ayuu yiri guddoomiyaha iskaashatoyinka gobolka  Sh/dhexe Cabdulaahi Biis.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe ayaa waxa uu hambalyo ku aadan sanad guuradii 40 ee ka soo wareegatay aasaaska ururada iskaashatooyinka u direy dhammaan qeybaha kala duwan ee iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe

 

r4 r1 r2 r3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment