1617 Views

Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay xilka madaxweynaha Suuriya

Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay xilka madaxweynaha Suuriya
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo si rasmi ah dib loogu doortay markisii afraad bishii May ayaa loo dhaariyay madaxweynaha dalkaas Sabtidii shalay aheyd, inkasta oo ay jireen dalal badan oo reer Galbeed ah oo wax isdabamarin ku eedeeyay.
Bashar al-Asad oo muddo todoba sanadood ah sii ahaan doona Madaxweynaha Suuriya ayaa rogga cas ee qasriga madaxtooyada waxaa ku soo dhaweeyay koox militari ah, isagoo la hadlay dadweyne aad u badan oo iskugu jiray saraakiil iyo marti sharsf kale.

Laba sarkaal oo ciidan ah ayaa waday nuqullo ka mid ah Quraanka iyo dastuurka Suuriya oo uu Assad ku dhaartay.
Wuxuu ku sheegay khudbadiisa in sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Suuriya ay hada tahay xayiraadda ay saareen bangiyada Lubnaan hantida dalkiisa.
Assad ayaa sheegay in qiyaas ahaan Suuriya ay leedahay $ 40 bilyan ilaa 60 bilyan oo taal bangiyada Lubnaan, taas oo uu sheegay inay ku filan tahay fariisinta dhaqaalaha, isla markaana hoos u dhigi karta cadaadiska saaran qiimaha lacagta Suuriya.
Xubno ka tirsan xisbiga Bacath ee madaxweyne Assad iyo taageerayaasha xukunkiisa ayaa u sheegay TV-ga dowladda in cunaqabateynta dowlada Mareykanka ay saartay Syria iyo gacan ku heynta Turkiga iyo Kurdiyiinta qeybo kamid ah wadankooda ay ka sii dartay dhibaatada dhaqaale.
Natiijada rasmiga ah ee doorashadiii 26-kii May ka dhacday dhulka ay maamusho dowladdu ayaa guddiga doorashadu ku sheegtay in Assad uu ku guuleystay 95% codadkii la dhiibtay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post