921 Views

Booliiska Jubbada Hoose oo xabsiga u taxaabay nin dhallinyaro ah oo aaladda Tik Tok ku faafiyay muuqaal

Booliiska Jubbada Hoose oo  xabsiga u taxaabay nin dhallinyaro ah oo aaladda Tik Tok ku faafiyay muuqaal
____________________________________________________________________________

Arbaco: May 25, 2022

Booliiska Jubbada Hoose ayaa xabsiga u taxaabay nin dhallinyaro ah oo aaladda Tik Tok ku faafiyay muuqaal uu isagu iska duubay oo uu ku sheegay in uu Kismaayo ku noolyahay nin ay xaas u tahay “gabadh uu aabbe u yahay”, islamarkaasna ay carruur u dhashay. Ninkan ayaa laga soo qabtay magaalada Dhoobley, kadibna diyaarad ayaa Kismaayo lagu geeyay, halkaas oo lagu xiray.

“Arintaas oo markii Ciidanka Booliska Jubbaland baadhitaan ku sameeyeen noqotay mid aan waxba ka jirin” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo bog ciidanku leeyihiin lasoo dhigay.

Muuqaal kale oo xabsiga looga dhex duubay ninkani dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayuu ku qiranayaa in warkii uu horey TikTok ugu faafiyay uu ahaa mid been abuur ah, islamarkaasna uu garoowsaday in bulshada ku dhex abuuray qalqal iyo welwel badan.

Booliiska Jubbada Hoose ayaa sheegay in markii uu soo gaaray warka uu ninku sheegay ay durbadiiba baaritaan galeen, maadaamaa waxa la sheegay uu yahay wax kasoo horjeeda dhaqanka iyo diinta, ayna u caddaatay in warkaasi been yahay.

Ninka ayaa markii uu muuqaalka duubayay ku sugnaa magaalada Dhoobley, kadibna loo duuliyay magaalada Kismaayo halkaas oo su’aalo lagu weeydiiyay.

Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinta ka hor imaanaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post