894 Views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo kormeer shaqo ku tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada  oo   kormeer shaqo ku tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle
____________________________________________________________________________

April 18, 2021

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa  maanta  kormeer shaqo ku tagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaaan (Aadan Cadde) halkaas xogwaraysi iyo indho indhayn ku sameeyay qaybaha kla duwan ee Garoonka

Wasiirka ayaa markii uu gaaray garoonka Aadan Cadde waxa uu kulan la qaatay Maareeyeyaasha garoonka iyo Hay’adda Duulista rayidka, iyo sidoo kale shaqaalaha hay’adda Duulista, isagoo ka dhageystay howlaha shaqo ee ka socda garoonka, isagoo ku booriyay inay labo jibaaraan howlaha ay Qaranka u hayaan.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa shir layeeshay madaxda  shirkadda FAVORI ee gacanta ku haysa garoonka  diyaardaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxayna ka wada hadleen qaabka kor loogu qaadi lahaa shaqda ay shirakaddu ka qabato garoonka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Duraan Faarax ayaa kula dar-daarmay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada inay dareemaan mas’uuliyadda Qaran ee saaran, isagoo xusay in Dawladdu ay ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka.

“Howlaha ka socda garoonka waa arrin dhiirrigalin mudan , waxaanna kormeerkeyga halkan uga billaabay muhiimada uu Dalka u leeyahay garoonka iyo qeybta Duulista .” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Dadaalladeena waxay noqon doonaan sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.”

17 April ee bishaan ayay ahayd markii uu la wareegay xilka Wasaardda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, waxaana ujeedka kormeekiisa ay la xiriirtay u kuurgelidda habsame u socodka howlaha shaqo ee ka socda garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post