984 Views

Maamulka dhusamareb oo ka hadlay wadao ay jareen ciidanka nabad galyada wadooyinka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb

Maamulka  dhusamareb oo ka hadlay wadao ay jareen  ciidanka nabad galyada wadooyinka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug  ayaa cambaareeyay dhisme Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Galmudug ay ka dhex dhisteen jidka ugu weyn ee halbowlaha u ah Xaafada Dayax ee Dhuusamareeb.

Afhayeenka Maamulka Magaalada Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad ( Sanka) ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid ka fog sharciga iyo summada ciidannimo isla markaana ay xad gudin ku tahay nidaamka wadooyinka.

“ Lama aqbali karo dhismaha wadadaan oo ay jarayaan ciidanka nabad galyada wadooyinka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Kamaamul ahaan iskuma aynaan ogayn ciidanka in wadada ay dhismo kasameeyaan,waana kutagri fal sharciyadeed iyo in ciidanku sharcigii ilaalinta wadooyinka ay gacanta kuqaateen taa oo ah xad gudub bareer ah oo ladoonayo in shacabka lagu tijaabiyo ayuu yhiri” Afhayeenka.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Dadweyne isku soo baxey ay joojiyeen shaqadii dhismaha aheyd ee ka socotay wadadau dhexeysa Saldhiga Booliiska iyo Xarunta Bangiga Dhuusamareeb, halkaasi oo ay deegaan cusub ka hirgalinayeen Ciidamada ilaalada wadooyinka Galmudug.

Jidka ay Ciidamada dhismaha ka bilaabeen ayaa  u dhexeeya Saldhiga Booliiska iyo Xarunta bangiga, waxaana uu muddo dheer ahaa kan ugu hagaagsan ee la adeegsado xiliyada roobku jaro isku socodka xaafada Dayax, waxaase bil kahor jidkan dhisme geerish ah ka sameeyay Ciidanka Ilaalada wadooyinka iyagoo ugu dambeyn maanta u badaley mid rasmi ah oo ku bilaabey dhismaha xafiisyo iyo darbi weyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post