1452 Views

Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Saraakiil iyo Askar

Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Saraakiil iyo Askar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 14, 2019 –Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Magalada Muqdisho ku dagaalamayay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxaana dagaalkaas dhexmaray Ciidamada War kasoo saaray taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sheegay in dagaalka dhexmaray labada Ciidan ay saraakiil u xir xireen.

Waxaa uu taliye Bashiir Ameeriko digniin u diray ilaalada Madaxda Dowladda,waxaana uu sheegay in lagula xisaabtami doono dagaalada dhexmaraya Ciidamada ilaalada u ah iyo kuwa howlgalalda ka wada Magalaada Muqdisho.

Markii Magalada Muqdisho ay ku wada dagaalamaan Ciidamada dhexdooda ayaa khasaaraha ugu badan waxaa ay gaartaa dadka Shacabka ah ee ku sugan Goobaha lagu dagaalamay taas oo aysan jirin cid wax iska weeydiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment