1227 Views

Kenya oo qarka u saaran inay ka baxdo kiiska dacwadda Badda

Kenya oo qarka u saaran inay ka baxdo kiiska dacwadda Badda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 05, 2019 —Xeer Ilaaliyaha guud Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa Maanta sheegay in dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay ka baxdo dacwada kiiska Badda ee kala dhaxeeyso Soomaaliya,xilli ay soo dhawday waqtigii la dhagysan lahaa dacwadaas.

 

Dowladda Kenya ayaa sheeganeyso lahaanshiyaha qayb ka mid ah Badda Jamhuuriyadda Soomaaliya,hayeeshee dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyay in Kenya ay ku deg degto qaadashada taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.

 

Kenya ayaadhawaan  dalbatay in dib loo dhigo Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya oo lagu waddo in ay furanto 9 Bishaan, waxaana dowladda Kenya ay Warqad u dirtay Maxkamadda ICJ.

 

Hayeeshee Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xuntay isla markaana ay tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kneya ee ah in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda muranka badda oo ay lagu wado inuu bilowdo Insiinta 9-ka Sebtemebr socdana ilaa 13-ka bisha.

 

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo,waxaana baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment