1206 Views

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte oo dib ugu laabatay Magaalada Baladweyne

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte oo  dib ugu laabatay Magaalada Baladweyne
____________________________________________________________________________


Isniin: September 20, 2021

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa manta dib ugu soo laabatay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyey Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha Ciidamada dowlada iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada.

soo dhaweeyn kadib Gudoomyaha ayaa kulan soo dhaweeyn ah waxaa loogu sameeyey Xarunta Madaxtooyada Maamulka Hiiraan. qaar kamid ah Masuuliyeentii kulanka ka qeeyb galay ayaa soo dhaweeyey Gudoomiye Cali Jeeyte.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa u mahad celiyey Boqolaalka dadweynaha ahaa ee soo dhaweeyey, waxaana uu sheegay in ay ka maamul ahaan ay u diyaar garoobayaan sidee 25 kursi ee Baladweyne taalo ay ugu dhace laheeyd si amaan ah.

Sidoo kale Gudoomiye Cali Jeeyte ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonan shirar dib u heshiiseen ah oo loo qabanayo beelaha wada dago gobolka hiiraan ee dagaalada udhaxeeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post