711 Views

Puntland oo sheegay in ay qabatay qaraxyo laga fulin lahaa Boosaaso iyo dhagar qabayaashii..

Puntland oo  sheegay in ay qabatay qaraxyo laga fulin  lahaa Boosaaso iyo dhagar qabayaashii..
____________________________________________________________________________

Feb /2/2021

Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Puntland ay qabteen  qaraxyo la doonayay in laga fuliyo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

War-qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada gaarka ah ee Punland loona yaqaan PSF ayaa lagu sheegay in laga hortay qaraxyo Al-Shabaab ku diyaariyeen gudaha magaalada Boosaaso.

“Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu yiri:

“waxayna ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland.”

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post