1017 Views

SAWIRO:-Guddiyadii loo xilsaaray dilkii Gaalkacyo oo baaris wada

SAWIRO:-Guddiyadii loo xilsaaray dilkii Gaalkacyo oo baaris wada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 28, 2019-Magalada Gaalkaco waxaa haatan ku sugan Guddiyadii ka kala socday Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ee loo xil saaray inay baaraan dhacdadii  9 qof lagu dilay ee 14-kii Bishaan ka dhacday Magaaladaas.

Guddiyadaas ayaa kulamo waxaa ay la qaateen Guddiga Amniga Magaalada Gaalkacyo,iyaga oo kala hadlay sidii baaris dhab ah loogu sameyn lahaa dadkii ka dambeeyay dilka 9 ruux ee kasoo kala jeeday deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle.

Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegtay Guddiga Amniga Magalada Gaalkacyo ay warbixin ka siiyeen sida uu dilkaasi u dhacay,isla markaana qodobo ay isku afgarteen.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay la kulmeen Eheladii dadkii lagu dilay Gaalkacyo,sidoo kalenaaay warbixin ka dhageysteen,isla markaana Shaqadii loo igmaday ee baaritaanada ah ay weli wadaan.

“Weli shaqada ayaan kuguda jirnaa oo dadkii dembiiliyaasha ahaa ayaan daba soconaa maamulka reer Galmudug siwanaagsan soomaalino iyo walaalnimo kujirto bay noo soo dhoweeyeen noola shaqeeyeen natuseena siday uga xunyihiin wixii dhacay oo ilaa hadana noola taaganyihiin ayay tiri Xildhibaan Xaniifa Xaabsade.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday dhacdada 9 ruux lagu dilay ee ka dhacday Gaalkacyo, kaidb markii rag hubeysan ay dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment