579 Views

Hoggaamiyaha is qariya ee Taalibaan oo farriin lama filaan ah usoo diray Mareykanka

Hoggaamiyaha is qariya ee Taalibaan oo farriin lama filaan ah usoo diray Mareykanka
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 7, 2022

Mullah Hibatullah Akhunzada ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo beesha caalamka inteeda kale in ay xiriir diblomaasiyadeed oo xoog leh iyo wadashaqeyn dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah la yeeshaan Afghanistan.

Waxa uu sheegay in arrintaas ay tahay mid ay dan ugu jirto cid walba, haddii ay ahaan lahayd dowladda Afghanistan iyo Mareykanka intaba.

Hoggaamiyaha sare ee Taliba

“Ma jirto cid ay cadaawad gaar ah nagala dhaxeysa,” ayuu yiri Hibatullah.

Mas’uulka ugu sarreeya kooxda Taliban ee maamusha Afghanistan ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta la xiriirta shakhsiyaadka reer Afghanistan ee dib ugu laabanaya waddankooda.

Waxa uu dalbaday in dadaal dheeraad ah loo galo difaacidda nolosha, hantida iyo sharafta dadka reer Afghanistan ee dib usoo noqonaya.

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu meesha uga saarayo casida ay dad badan ka muujinayeen inay ku laabtaan Afghanistan, wixii ka dmabeeyay markii ay xukunka la wareegeen kooxda Afghanistan, bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.

Hibatullah ayaa sheegay in munaasabaddii ciidul-fitriga ee sanadkan loo dabaaldagay xilli 20 sano kaddib uu guud ahaan waddanka Afghanistan ku jiro gacantiisa.

“Qaranka oo dhan wuxuu ku nool yahay nabad iyo walaalnimo,” ayuu yiri.

Arrimaha uu hadda diiradda saarayo ayuu sheegay in ay ka mid yihiin “xaqiijinta amniga, mashaariicda horumarinta iyo dhaqan gelinta shareecada Islaamka.”

Qaybta dambe ee farriintiisa ayuu hoggaamiyaha Taliban ku codsaday in xoogagga Taliban ay difaacaan hantida qaranka, gaar ahaan gaadiidka militeriga, hubka iyo dhismeyaasha dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post