1179 Views

SAWIRO:-Jubbaland oo sheegtay in howlgal ku dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

SAWIRO:-Jubbaland oo sheegtay in howlgal ku dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin ku dhow dhow deegaanka deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55KM dhanka bari kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa tuulooyinka howlgalka laga fuliyey.

Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed sheegay in howlgalkaas ay ku dileen Saraakiil ay kamid ahaayeen madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deeganada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Daraawiishta jubbaland ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan Tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Cabdalla Biroole oo ay Maanta Ciidamadu howlgalka qorsheysan ka fuliyeen.

Warkaan kasoo baxay Saraakiisha  Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku aadan inay howlgal ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaanan weli jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay, iyada oo weli dhankooda ka hadlin Al-Shabaab

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment