552 Views

Maraakiibta afka hore u dheer ee ku shaqeeya awoodda nukliyeerka Mareykanka.

Maraakiibta afka hore u dheer ee ku shaqeeya awoodda nukliyeerka Mareykanka.
____________________________________________________________________________

 Isniin: October 18, 2021

Maraakiibta afka hore u dheer ee ku shaqeeya awoodda nukliyeerka, kuwaas oo xambaara diyaaradaha waxay astaan u yihiin awoodda militariga Mareykanka.

Waxay milatariga Mareykanka u suurto geliyaan joogteynta duqeymaha ba’an ee cirka ee ka dhanka ah ciidamada cadowgooda ah. Waxay u babac dhigaan weerarrada looga soo qaado dhulka amaba badda muddo bilooyin ah, gaar ahaanna iyagoo awood u leh boqollaal bartilmaameedyo inay beegsadaan maalin walba.

Si ka duwan qaababka kale ee dagaalka, uma baahna inay tagaan saldhigyada ku yaallla xeebaha si ay u gutaan waajibaadkooda.

Awoodda laga baqo ee maraakiibta qaada diyaaradaha ee Mareykanka ayaa qalab muhiim ah u ah dagaal yahannada iyagoo aan u baahan ku tiirsanaanta hubka nukliyeerka.

Si kastaba, falanqeeyeyaasha militariga wax ay ka gaabsadaan in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay sii nuglaanayaan inta gantaallada riddada dheer ee maraakiibta ka dhanka ah ay ka jiraan dunida.

Tusaale ahaan, mid ka mid ah weriyeyaasha aadka loo xushmeeyo ee tebiya wararka ku saabsan arrimaha militariga wuxuu falanqeyn dakhliga ku saabsan oo 12-kii March la sameeyay ku ogaaday in gantaallada Beijing ay u muuqdaan kuwo heli kara oo curyaamin kara markab dheer oo kumannaan qaada.

Shaki kuma jiro in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay yihiin kuwo aad u waaweyn. Marka laga tago in ay kun feet fidsanyihiin, dhirir ahaan waxa ay la egyihiin dhisme dheer, oo ka kooban 25 dabaq, iyada oo dabaq kasta uu dhan yahay in ka badan 16,000 oo mitir oo isku wareeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha ciidammada badda ayaa rumeysan in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay hadda ka wanaagsan yihiin amni ahaan marka la barbardhigo sidii ay kuwii hore ahaayeen intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, waxayna si joogto ah ugu sii yaraanayaan u nuglaanshaha weerarka.

Marka aad tixgeliso dhammaan qaabka loo sameeyay, Mareykanka waxaa uu leeyahay in ka badan tobban markab oo ah nooca waaweyn ee diyaaradaha xambaara. Way fududdahay inay noqon karaan qalabka ugu wanaagsan ee lagu raadsado dagaal weyn. Waa kuwan sababaha muujinaya inay leeyihiin awood xad dhaaf ah.

Maraakiibtan ayaa ah kuwa socda oo howlgal ku jira mar walba

Maraakiibta xambaara diyaaradaha ayaa ah kuwa xawaare aad u dheereeya ku socda, waxayna ka orod dheer yihiin maraakiibta quusta. Waxay saacadiiba ku socdaan xawaare gaaraya 35 mayl, waxaana lagu tilmaamay in 700 oo mayl ay ku gaari karaan muddo sodon daqiiqo ah halka 90 daqiiqana ay gaari karaan masaafo dhan 6000 oo mayl. Marka in cadowga uu bartilmaamedsado ama ku raad joogo markabka xambaara diyaaadaha ma aha arrin sahlan.

Baaxada Maraakibtan ayaa ah kuwo aan xad lahayn

Howlagallada maraakiibtan ayaa ah kuwa aan joogsan karin. Tusaale ahaan, xilli dagaal uu jiro xitaa haddii sahayda shidaal ee maraakiibta xambaara diyaaradaha ay go’do ama la qabto shidaalkii loo sii waday taasi saameyn kuma yelanayso waayo waxay ku shaqeyaan awooda tamarta ee nukliyeerka, taas oo u sahlaysa markabka in uu socdo sidoo kalena weerarro baaxad leh geysto.

Diyaaradaha markabkan saaran waxaa ay ka kooban yihiin F/A-18 iyo F-35 oo ay ku rakiban yihiin dareemayaal casri ah iyo nidaam sax ah oo hagaya hubka.

Waxaa kale oo saaran diyaarado soo jiidanaya radar-ka maraakiibta iyo diyaaradaha ka agdhaw markabkan kuwaas oo cadawga uusan fahamsanayn balse ah in dhaqdhaqaaqooda lala socdo, diyaarna loo yahay in laga jawaabo halis walba oo markabkan diyaaradaha xambaara kusoo wajahan.

Markabkan kaligiis ma safro oo waa la ilaaliyaa

Haddii ay u safrayaan Galbeedka Baasifigga ama Gacanka Faaris ama Badda Waqooyi, maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ma socdaan wehel la’aan ama ilaalo la’an

Mar walba oo uu markabkan dhaqaaqo waxaa weheliya Markab loo yaqaano destroyer(cagta mariye) oo shaqadiisu tahay in uu jejbiyo ama baab’iyo doon walba ama markab walbo oo usoo dhawaada diyaarad xambaaraha.

Destroyer ama cagta mariye waxaa ku xiran hub difaaca hawada loogu talagalay iyo gantaalada ugu casrisan dunida kuwaas oo xitaa lagu oganayo maraakiibta quusta ee halis ku noqon karya markabka weyn.

Waxaa kale oo weheliya Markab nooca lagu magacaabo “frigate”, kaas oo isna ay ku xiran yihiin hub culus sida gantaalada riddada dheer iyo qoryaha sida darandooriga u dhaca.

Markabka diyaaradaha xambaarsan waxaa kale oo weheliya gujis, oo shaqadiisu tahay in uu badda hosteeda ka ilaaliyo caqabad walba oo kusoo wajahan.

Markabkan waxa uu qaadaa kumannaan qof

Markabka diyaaradaha qaada oo 25 dabaq dherirkiisu dhan yahay ayaa waxaa uu qaada 6,000 qof oo ka kooban ciidamada badda iyo kuwa cirka, kuwaas oo si toos ah u wada shaqeynaya.

Hub caynkee ah ayaa Markabkan saaran?

Waxaa saaran ilaa 130 diyaarad oo ah diyaaradaha xawaara ku socda ee dagaalka ah, kuwaas oo kala ah F-A18 iyo F35.

Waxaa kale oo saaran ku dhawaad 30 diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee helikobtar loo yaqano.

Markabkan waxaa uu sidoo kale wadaa hubka nukliyeerka, kaas oo dunida meeshuu doono kaga weerari karo marka uu amarkaas bixiyo Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka, oo ah madaxweynaha..

Sidoo kale waxaa saaran hubka gantaallada ridada dheer iyo qoryo waaweyn.

Meeqa maalmood ayuu badda ku jiri kara?

Waxaa uu badda ku jiri karaa inta maalmood ee howlgal ahaan loo igmado inuu shaqadiisa soo guto, balse mararka qaar waxa uu markabkan diyaaradaha xambaara badda ku jiraa in kabadan seddex bilood isagoo gaaf wareegaya dhacalada dunida oo dhan.

Maraakiibta wax xambaara ayay dhif tahay inay quusaan. Sababo la xiriira dhererkooda, maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka waxay leeyihiin boqollaal qeybood oo biyaha ka hortaga. Waxay sidoo kale leeyihiin kumannaan tan oo qalab difaacid ah, iyo fiilooyinka korontada.

Marka hal hub oo ka dusi kara difaaca kama dhigna inay dhaawici karo markabka. Markabku ma quusayo, shaqaaluhuna waxay awoodi doonaan inay ka shaqeeyaan cillad walba oo ku timaadda si ay u sii wataan gudashada waajibaadkooda.

Dhererka markabka oo khubarradu qaar ay ka baqayaan inuu u nugleyn karo inuu wax weeraro ayaa dhab ahaantii ka dhigeysa mid ka adag markab walba oo kale oo noocyada dagaalka ah.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post