102 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Marwo. Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS)

2) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka.

3) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

5) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed

6) Qeybinta Heshiiska Ku-Biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Mudanayaasha Golaha kahor Akhriyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka iyo Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed. Si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Xildhibaannada ayaa mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka weydiyey Wasiir dawlaha Wasaaradda Beeraha. Intaas kadib wasiir dowlaha ayaa faafaahin ka bixiyey su’aalahii la weydiyey .

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Hindise-Sharciyeedyada maray akhrinta 1-aad Guddiga Beeraha, Hormarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post