1023 Views

Sacuudiga oo sii daayay haweeney caan ah oo ah qoraa iyo qof u dooda xuquuqda bulshada

Sacuudiga oo  sii daayay haweeney caan ah oo ah qoraa iyo qof u dooda xuquuqda bulshada
____________________________________________________________________________

Axad: June 27 2021

Sacuudiga ayaa sii daayay haweeney caan ah oo ah qoraa iyo qof u dooda xuquuqda bulshada laguna magacaabo Nasima al-Sada, kaddib saddex sano oo ay xabsiga ku jirtay.

Nasima al-Sada oo deggan gobolka Qatif ee Sacuudiga ayaa u doodda xuquuqda haweenka iyo Shiicada laga tirada badan yahay.

Waxaa la xiray sanadkii 2018. Sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa hore u dalbatay sii deynteeda.

Nasima al-Sada waxaa lala xira Samar Badawi sababo la xiriira inay u ololeynayeen xuquuqda haweenka.

Waxay dalbadeen in haweenka loo oggolaado inay gaari ku dhex kaxeeyaan Sacuudiga.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post