1065 Views

Golaha Wasiirada oo loo gudbinayo Xeer muhiim ah

Golaha Wasiirada oo loo gudbinayo Xeer muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado  , March 10, 2020 —Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dhameystirto tarjumaadda Xeerka Gaadiidka Badda (Somali Shipping Code) ayna meel-Mariso Sharciyada kala ah SOLAS &MARPOL kuwasoo muhiim u ah Ganacsiga iyo Badqabka Badmaridda iyo ka hortaga Wasakheynta Badda.

 

Sharcigaan oo ku qornaa luqadda English -ka ayaa Wasaaraddu sheegtay in loo turjumay luqadda Soomaaliga, ayadoo la rajeynayo in dhowaan Golaha Wasiirada la mariyo si uu u noqdo sharci dalka ka dhaqan gala.

 

 

 

Shir lagu soo bandhigayay Xeerka Gaadiidka Badda oo Maanta lagu qabtey muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac,xubno ka socday labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee UNSOM,EUCAP iyo IMO.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment