1011 Views

Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah ha unaxariistee Maxamed Cumar Saalixi

Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah ha unaxariistee Maxamed Cumar Saalixi
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 2, 2021

Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah ha unaxariistee Maxamed Cumar Saalixi oo uu ku tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi.

“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.”

Sidookale waxaa uu xusay in taariikh nololeedkiisa Marxuumka oo ku suntanaa dal jaceyl iyo howlkarnimo, taas oo ay ka mid tahay in Sarreeye Gaas Maxamed Cumar, Alle ha u naxariistee, uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeen, Hoggaanka Sahanka iyo Maababka Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo hormuud u ahaa hirgelinta mashaariic horumarineed oo dalka laga fuliyey siddeetamaadkii. ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyn madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Farmaajo ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post