576 Views

Guuled Xasan Duraan oo ah muwaadin Soomaali ah kuna xiran xabsiga Guantanamo Bay oo la sheegay in laga sii daynayo xabsiga.

Guuled Xasan Duraan oo ah muwaadin Soomaali ah kuna xiran xabsiga Guantanamo Bay oo  la sheegay in laga sii daynayo xabsiga.
____________________________________________________________________________


khamiis: January 13, 2022

Guuled Xasan Duraan oo ah muwaadin Soomaali ah kuna xiran xabsiga Guantanamo Bay ayaa la sheegay in laga sii daynayo xabsiga.

Guuleed Xasan Duraan, oo 47 jir ah, ayaa go’aan lagu gaaray in la siiyo daayo subaxnimadii Isniinta oo ku beegneyd sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xabsiga lagu hayo ee saldhigga ciidammada badda Mareykanka ee Cuba.

Duraan ahaa maxbuuskii ugu horreeyay ee laga keeno xabsiyada qarsoodiga ah ee CIA ayaan weligiis lagu soo oogin wax dacwad ah, waxaana laga qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2004-tii, wuxuuna ku sugnaa ilaa 900 oo maalmood xabsiyo aan la ogeyn ka hor inta aan loosoo wareejin xabsiga qarsoon ee CIA oo ku yaala Guantanamo Bay.

Waxa uu noqonayaa maxbuuskii 16-aad ee 39-ka maxbuus ee weli ku jira Guantanamo oo loo ogolaaday in la sii daayo, hadii uu helo dal qaabilaya oo damaanad qaadaya amnigiisa isla markaasna uu ku qanci karo xoghayaha difaaca, Lloyd J. Austin III.

Kuma laaban karo dalkiisa sida uu dhigayo sharciga congress-ka ee diiday wareejinta maxaabiista Guantanamo ee Soomaaliya, Libya, Syria iyo Yemen.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post